Maanta oo ah International Workers’ Day, Ururka Suxufiyiinta Haweenka Galmudug (GWJA) wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shaqaalaha, gaar ahaan gabdhaha suxufiyiinta ah ee ka howl-gala deegaannada Galmudug.
Ururku wuxuu si dhab ah u ogyahay caqabadaha nololeed iyo shaqo ee ay la kulmaan gabdhaha saxafiyiinta ah, sida mushahar la’aanta, shaqo aan joogto ahayn, qalab yari, iyo duruufo amni oo mararka qaar halis ah. Si kastaba ha ahaatee, gabdhahaasi waxay weli u taagan yihiin gudashada waajibaadkooda, iyagoo bulshada u gudbinaya xog sax ah, kana shaqeynaya wacyigelin iyo horumar.
Ururku wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha kala duwan ee dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay in la garab istaago gabdhaha suxufiyiinta ah, lana xaqiijiyo xuquuqdooda shaqo, mushahar cadaalad ah, iyo badbaado shaqo.
Ugu dambayn, Ururka Suxufiyiinta Haweenka Galmudug wuxuu mar kale hambalyo u dirayaa dhammaan shaqaalaha, isagoo rajeynaya mustaqbal ay ka hirgalaan caddaalad, sinaan iyo horumar waara.